BALIGUBADLE MEDIA
War Kasoo Baxay Taliska Aaga Bari ee Ciidanka Qaranka.
February 28, 2021 - Written by Ahmed ALI

Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Dacaayad Ku Tilmaamay Warar Laga Baahiyey, Sheegayna In Aanay Jirin Ciidan Fadhiisinkiisa Ka Baxay.

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku tilmaamay warar maalmihii u dambeysay laga baahinayey kuwa dacaayad ah oo aanay waxba ka jirin.
Taliyaha Aagga Bariga ee Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Guuto Cali Barre Xuseen oo ka hadlay arrintan ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu halkan bulshada Somaliland uga soo gudbinaynaa hadallo ku-tiri-ku-teen ah iyo dacaayado xambaarsan oo dibedda iyo guddahaba nalaga soo weydiinayo, waxaanu caddaynaynaa Ciidanka Qaranku jiidda Sool iyo mid kale toona kama soo bixin, horena ugama soo bixin, imika kama soo bixin, dibna ugama soo baxayo.”

Taliye Cali Barre, oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray “Waxa kale oo aan u sheegayaa Bulshada, in aanu Ciidanka Qaranku ahayn Mobile wax lagu shubto oo siyaasadda loo adeegsan karin. Waa ciidan xaqiijiyey jiritaanka iyo Madax bannaanida Somaliland .”

Xigasho: Wargeyska Saxansaxo

COMMENTS