BALIGUBADLE MEDIA
Waa In Shuruudan Lagu Xidho Dadka Somaliland U Dhashay ee Xilalka Ka Qabanaya Somaliya” Xildhibaan Xuseen Carab”
February 22, 2021 - Written by Ahmed ALI

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka mida Xildhibanada Barlamaanka Soomaliya kana soo jeeda Somaliland ayaa ku Baaqay in shuruud lagu xidho siyaasiyiinta mansabka ka doonaya Soomaliya ee ka soo jeeda Somaliland waxaana yidhi:-

“Dhamaan walaalahayga Somaliyeed, waxaan idinla wadaagaya arin aan waligayba aminsana lakin dhawr mar oo aan is idhi soo bandhig la iga horyimid. Wa arinta siyasiyiinta shaqadoonka ah ee Somaliland ka yimaada ayaga oo shaqadu kala muhimsantahay qadiyada midnima. Malintay shaqadu ka dhamaatana dib ugu noqda iyagoo cafis waydisanaya Somaliland.
Kaba soo qaad hadan anigu fasax ama arin kale is idha u tag Sonaliland sadex shardi baa I qabanaya:

1- inaan cafis wadisto Somaliland.
2- Hadaan xil hayo inaan is casilo.
3- inaan cadeeyo inaan ka noqday fikirkii midnimada.

Hadaba waxaan soo jedinaya Inay dadka xilalka kala duwan ka soo qabtay Somaliland una soo dhaartay Somaliland iyo Dastuurkeda ha noqoto :

1- fulin
2- garsoor
3- Barlamaan
4- Ciidamada QS Somaliland
5- Xisbiyo
6- Gudiyo madaxbanaan ( Commission nada kala duwan)
Iyo waxii la mudane.

Waa inay sadexdaa shardi qabtaan intaanay xil ka qabaan Somaalia, waa in Dalkana Somalia ku nolaadaan si toos ah 3 ilaa 5 sanadood si ay u kala bartaan dadka ay doonayaan inay mansab u qabtaan. Waxaan qabaa inaan qofku si daacad ah ugu adeegikarin umaad aanu wali dhexdagin Lana nolaan mudo dheer.

Su’aasha u baahan la is waydiyaa waa, sidebuu qof system donaya inuu naga go’o usoo dhaartay kitaabna gacanta u galiyey manta noo odhan kara midnimo ayaan aminsanahay
Asagoon shacabka Somaliyeed hortooda ka cadayn sida anigaba I qabta hadaan is idha Somaliland tag.

Ugu danbayn arintani ma khusayso Shacabka degan Somaliland ee aan mansab siyaasadeed soo qaban, iyagu ku waaasi waxay la xuquuq yahiin Shacabka Somaaliyeed meelkasta jogaan”.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS