Taariikhda Gudoomiyihii Hore ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland
February 12, 2021 - Written by Ahmed ALI
Taariikh Nololeed Kooban Oo Ku Saabsan Eng.C/Qaadir Iimaan Warsame

1- wuxu Ahaa Engineerkii Waaxda Jidadka Dawladdii Hore ee Burburtay ee Somalia .
2- Burburkii Dalka Kaddib Wuxu Waxbarasho Ugu Baxay Dalka Dibaddiisa .
3- Somaliland wuxu Dib Ugu So Laabtay 2004tii , isagoo Hogaaminya Shirkad Weyn oo Ka Shaqaysa Dhismaha oo La Odhan Jirey Yuniko , Dhinaca Kalana Wuxu Ahaa Professor Jamacadaha Wax Ka Dhiga.
4- Kaddib Wuxu Nasiib U Yeeshay Inu Kamid Noqdo Asasayaashii iyo Hogaankii Sare Ee Urur Siyasadeedkii Xaqsoor Ee Ka Qayb Galay Doorashadii 2012 .
5- 2014kiina Wuxu Noqday Gudoomiyahii Komishinka Qaranka somaliland, Taasoo Doorashadii Madaxtooyada ee u hogaaminayey 2017kii khubarada ka faallooda siyaasadda somaliland ay ku sifeyeen inay ahayd doorashadii ugu adkayd ee abid soo marta Somaliland ( si hufan oo dhex-dhexaadnimo ku jirteyna u maareeyey Hawshaa Miisaankeeda Lahayd ).

6- Haddaba Engineer C/Qaadir Iimaan Warsame Ayaa Dhawaan La Filayaa Inu Saaxadda Ka Soo Muuqdo Mar Labaad iyadoo la filayo inuu noqdo maayarka soo socda ee caasimadda.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS