BALIGUBADLE MEDIA
Saddex Qodob oo Somaliya Ka Leedahay Ruqsad Siinta Diyaaradaha
February 13, 2021 - Written by Ahmed ALI

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Soomali, iyo hay’ adda Duulista Rayidka ah ayaa si wadajir ah u daahfuray barnaamijka ruqsadsiinta diyaaradaha rayidka ah iyo shaqaalaha xirfadlayaasha ah.

Mashruucan oo dhaqaale badan lagu maalgeliyey, waxaa qayb ka ahayd Hay’ada qaramada-midoobay u qaabilsan duulimaadka iyo ilaalinta shuruucda Civil aviation ka ee ICAO .

Ujeedada mashruucan loo hirgeliyey waqtigan waxaa ugu waaweyn qodabadan soo socda.

1- In adduunka la tuso in la soo celiyey qarannimadii Soomaliya oo kala dhantaalayd tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe, iyada ruqsad bixinta diyaaraduhuna ay ka mid tahay astaamaha qaran leeyahay ama dowladnimo.

2- in dhammaan diyaaradaha soomalidu ama qofkasta oo diyaarada la imanayaa uu u baahan yahay in uu qaato taarikada diyaaraduhu ku duulaan, waayo qorsha soomaliya ayaa ah diyaarad aan sidan taarikada Soomaliya meel kale ma tegi karto, waana qasab sharci in diyaarad kastaa ay qaadato taarikadan.

3- mashruucan la daahfuray waxaa uu wadada u xaadhayaa in la soo celiyo diyaaradii Somali Airline, taasoo hawada ka maqnayd tan iyo 1991-kii, iyada oo la wado qorshe lagu midaynayo diyaaradaha Soomaalida.

4- mashruucan waxaa kale oo Soomaliya ku helaysaa dhaqaale, iyada mashruucani u fududaynayo in ay si toos ah u qaataan lacagta laga qaado hawada sare, waayo waxay odhanayaan waanu buuxinay shuruudihii looga baahna Civil Aviation.

Horey ayay qaramada-midoobay ugu wareejisay dowladda Soomaliya maamulka hawada (Airspace Control). Tan lagu bixinayo taarikada diyaaradaha ayaa ah tallaabo kale oo dowlada Soomaliya ku xoojinayso dhamaan maamulka diyaaradaha iyo maamulka hawada.

Arrimahan oo dhammi waxay caqabad ku yihiin somaliland, sababta oo ah, tallabaada xigta ayaa ah in aanay madaarada dalkii la isku odhan jirey Soomaliya aanay ka duuli karin diyaarad aan sidan taarikada Soomaliya, sidoo kalena aanay soo fadhiisan karin marka laga reebo diyaarada caalamiga ah.

Qore: Cabbilaahi Axmed caarshe

COMMENTS