BALIGUBADLE MEDIA
Qolooyinka Midawga Musharaxiinta Somaliya Waxay Wadaan Goroyo Khaakhlayn Layaab Leh.
February 17, 2021 - Written by Ahmed ALI

Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa, ayaa sheegay in Madaxda Somalia ee wakhtigoodu dhammaaday ay beddeli karaan kuwa cusub oo la soo doortay.

Buubaa, oo warbaahinta la hadlayey ayaa hanjabaado ay muddooyinkii u dambeeyey wateen Mucaaradka Somalia ku tilmaamay Goroyo Khaakhlayn, waxaanu yidhi “Qolooyinka isku sheega Midowga Murrashaxiinta, ayaa moodaa in ay wadaan goroyo Khaakhlayn la yaab leh wadaan, oo waxa ay is leeyihiin waxaad ka heli doontaan madaxweyne, oo haddii la gaadho 8 Feb meeshu way isku dumaysaa, oo meesha loo banaynayo, laakiin imika waxa cadaatay in aanay taasi suurto gal ahayn.”

Ismaaciil Buubaa, waxa uu rejo ka muujiyey Shirka Baydhabo oo uu xusay in lagu heshiis karo, si loo helo doorasho loo dhan yahay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS