BALIGUBADLE MEDIA
Qareeno U Doodayay Dad Shacab ah oo Waaran Qabasho Loo Jaray.
February 15, 2021 - Written by Ahmed ALI

Qareenno u doodayey dadwaynaha Magaalada Hargeysa ee ka cabanayey saacadaha biyaha ee ay wakaaladda biyahu ku amartay shacabku inay iibsadaan, ayaa maanta shaqo joojin lagu sameeyey, iyada oo loo jaray waaran maxkamadeed.

Ururka qareennada Somaliland oo kulan deg deg iskugu yimi ayaa ka warramay cawaaqibka ka dhalan kara, waaran ka loo jaray qareennada u doodayey shacabka.

Dhawaan ayey xubno Garyaqaanno ahi sheegeen in aanay sharciga waafaqsanayn dalabka Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa ee in dadweynuhu iska beddelaan saacaddaha kuwo cusubna iibsadaan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS