BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Farmaajo oo Fara Galin Shisheeye Ku Eedeeyay Fashilka Heshiiska Doorashooyinka Somaliya
February 6, 2021 - Written by admin

Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka codsaday barlamaanka Soomaaliya in ay ka qeyb qaataan hirgalinta heshiiskii doorashada uu barlamaanku meel mariyay.

‘Waxaan halkaan ka caddaynayaa in aan diyaar u nahay hirgalinta heshiiska doorashada, waxaan idinka codsanaynaa inaad nagu garab siisaan sidii aan ugu qancin lahayn walaalaheen in ay heshiiska qeyb ka ahaadaan,” ayuu madaxweyne Farmaajo ka hor yidhi barlamaanka hortiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay muddo shan jeer ah inuu tanaasul ka sameeyay khilaafka arrimaha doorashada, isagoo tilmaamay hadduu heshiisku socon waayo inuu barlamaanka dib ugusoo celinayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisa ku sheegay in ay jirto faro galin shisheeye oo dabada ka riixaysa in aan lagu guulaysan heshiiska doorashada’Wuxuuna ka gaabsaday inuu carrabka ku dhufto cidda fara galintaas ku haysa doorashada heshiiskeeda.

Sidoo kale, wuxuu Madaxweynuhu sheegay in Puntland iyo Jubbaland ay diideen in la fuliyo heshiiska doorashada, dowladuna ay tiro dhowr jeer ah u dirtay baaqyo iyo waftiyo ay ku doonaysay in lagu qanciyo in ay heshiiska qeyb ka ahaadaan.

Wuxuuu Madaxweynuhu hadalkiisa ku sheegay in heshiiska la diidan yahay ay gacantooda kusoo qoreen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada gaar ahaan madaxweyne Deni oo uu sheegay inuu gacantiisa ku qoray.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS