BALIGUBADLE MEDIA
Haayadda Shaqaalaha Dawladda oo Shaqaalaha Dawladda ee Sharaxan Ugu Baaqday Inay Soo Gudbiyaan Is Casilaadooda.
February 16, 2021 - Written by Ahmed ALI

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo ka dalbatay Shaqaalaha Dawladda ee Murrashaxiinta ah In Ay Soo Gudbiyaan Waraaqaha Is casilaadooda.

Qoraal ay soo saartay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, ayaa waxa lagu sheegay in ay soo gudbiyaan waraaqaha is casilaada ee ay shaqada dawladda kaga tegayaan, madaama oo ay siyaasadda galeen

“Hay’adda dshaqaalaha Dawladdu waxay mar kale la-socodsiinaysaa dhamaan Hawl-wadeenada Dawladda ee Isu-sharaxaya Doorashadda Gollayaasha Deegaanka iyo Wakiiladda inay Hay’ada shaqaalaha usoo gudbiyaan waraaqahooda ay Iskaga casilayaan Xubinimadii ay ka ahaayeen shaqaalaha Dawladda iyo Masuuliyadihii ay Hayeenba inta ka horaysa 1-03-2021-ka.”

Axmed Aadan Rooble

Baligubadlemedia.com

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS