BALIGUBADLE MEDIA
Gudoomiye Cirro oo Warbixin Siiyay Guddida Fulinta Xisbiga Waddani
February 6, 2021 - Written by admin

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa guddoomiyay Shirka Guddida Fulinta ee Xisbiga WADDANI oo ka qabsoomay Xarunta Xisbiga.

Guddoomiyaha, ayaa madaxda kulanka ka soo qayb gashay War-bixin ka siiyay Arrimaha Doorashooyinka iyo ahmiyadda ay leedahay in si buuxda loogu diyaar garoobo doorashooyinka isku-sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka. Waxa kale oo kulanka war-bixino lagaga dhegaystay xubno ka mid ah Guddida Fulinta.

Kulanka, ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay dardar gelinta kala xulidda Musharraxiinta Xildhibaannadda Goleyaasha Wakiiladda iyo Deegaanka, Isla-markaana la xoojiyo shuruudaha ay ku soo bixi lahaayeen dad tayo leh oo dalka iyo dadka waxtar u  tara.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS