BALIGUBADLE MEDIA
Gudoomiye Cirro oo Tacsi U Diray Marxuumad Deeqa Xasan Aadan oo Ku Geeriyootay Hargeysa.
February 20, 2021 - Written by Ahmed ALI

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo asxaabta ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuummad Deeqa Xasan Aadan oo Hargeysa ku geeriyootay.

Guddoomiyuhu waxa uu geerida Marxuumadda si gaar ah uga tacsiyaynaya Layla Muuse Qulumbe Xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga WADDANI ee UK oo ay hooyadeed ahayd iyo dhammaan qoysaska iyo ehelada ay ka baxday Marxuumaddu.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuummadda Illaahay uga baryaya in uu su’aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, Carruurtii, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
Barkhad Jaamac Batuun

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS