BALIGUBADLE MEDIA
Doorashadda Golayaasha Deegaanka ee Somaliland Maxay Kaga Duwan Tahay Doorashooyinkii Hore ?
February 28, 2021 - Written by Ahmed ALI

Murrashax Xubin Gole Deegaan Ma Ogtahay, In aan Xildhibaan Lagu Yeedhi Dooni, In Aad Mushahar Lahayn, In Hantidada La Diiwaan gelin Dooro Marka Aad Guuleysato bil Gudaheed.

Golayaasha Deegaanka ee la dooran doono bish May ee Sannadkan aynu ku jirno ee 2021, ayaa si weyn uga duwanaan doona Goleyaashii Deegaanka ee la doortay labadii xilli doorasho ee hore ee kala ahaa 2002-kii iyo 2012-kii, marka loo eego dhinac tirada iyo xadidaad kale loo lagu sameeyey.

Wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyey Xeerka Ismaamulka Gobolladda iyo Degmooyinka, Lr. 23/2019- sannadkii 2019-kii, ayaa waxa lagu soo daray qodob dhawr ah oo saameeyey tiradii hore ee xubnaha Goleyaasha Deegaanka Dalka, kuwaas oo la yareeyey tirada Xildhibaannadii hore, isla markaana magac xildhibaan laga beddelay oo loo bixiyey Xubin gole Deegaan.

Sida uu dhigayo Qodobka 22aad, ee Xeerka Ismaamulka Gobollada Iyo Degmooyinka, ayaa waxa uu so cad u qeexayaa in Xubnaha goleyaasha deegaanka loogu yeedhi doono xubin Gole Deegaan, sida uu tilmaanayo farqada koowaad ee Xeerkan oo u dhigan sidan
Xubnaha Golayaasha Degmooyinka”1. Xubnaha Golayaasha Deegaanka waxa loogu yeedhayaa Xubin Gole Deegaan(Councilor).”

Isla qodobkan 22-aas farqadiisa 2-aad oo ka hadlaysa tirada Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka ayaa tilmaamaya sidan:
“2. Tirada Mudanayaasha Golayaasha Deegaanka ee Degmooyinku waxay ku salaysan
yihiin darajooyinkooda oo kala ah: –
1. Degmada Hargeysa “A” 17 Xubin Gole Deegaan
2. Degmooyinka Darajada “A” 13 Xubin Gole Deegaan
3. Degmooyinka Darajada “B” 11 Xubin Gole Deegaan
4. Degmooyinka Darajada “C” 9 Xubin Gole Deegaan.
5. Degmooyinka darajada “D” 7 Xubin Gole Deegaan (waxay yeelanayaan
goleyaal deegaan marka la ansixiyo)

Qodobka 64aad, ee Xeerkan, ayaa sheegaya in Guddoomiyaha iyo Kuxigeenkiisa Golaha deegaanku yeelan doonaan mushahar iyo gunno xileed, halka Xubinta Gole deegaan aanay mushahar yeelan doonin ee gunnooyin kalfdhi yeelaan doonaan, waxaanu qodobkan u sheegayaa

“Gunnada Golaha.

1. Guddoomiyaha Golaha iyo Ku-Xigeenkiisa waxay leeyihiin mushahar iyo Guno xil oo
Goluhu u xadido, una ansixiyo.
2. Guddida joogtada ah oo aanay ku jirin xubnaha guddida fullintu waxay yeelanayaa
gunno bileed iyo gunno kalfadhi oo goluhu u xadido una ansixiyo.kalfadhi oo Goluhu u
xadido, una ansixiyo.
4. Gudi hoosaadyaduna waxay yeelanyaan Gunno kalfadhi oo Goluhu u xadido una
ansixiyo.
5. Mudanayaashu markay u baxayaan Safar shaqo rasmiah oo Degmada ka baxsan
waxay leeyihiin gunno safar oo Goluhu Oggolaado.
6. Goluhu wuxuu gunnooyinka kalfadhiyadaas ku soo sarayaa Xeer Hoosaad, Nuqulana
loo kala gubiyo Gudoomiyaha Gobolka, wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Hanti dhawraha
Guud si ay ula socdaan.
7. Shardi waxa Golaha ku ah in xadaynta Gunnooyinka Kalfadhiyadu ku salysnaato
awoodooda dhaqaale ee Degmada.”

Qodobka 26- aad ee Xeerkan, ayaa xusaya in Xubinta gole deegaan ee soo baxda bil gudaheed natiijada doorashada la diiwaan geliyo hantidiidiisa

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS