BALIGUBADLE MEDIA
Dawladda Maraykanka oo Walaac Ka Muujisay Khilaafka Doorashooyinka Somaliya
February 8, 2021 - Written by admin

Dawladda Mareykanka ayaa Sheegtay in Cawaaqib xumo dhalan karto khilaafka ka dhex taagan Madaxweynaha Xilku ka dhamaaday Soomaaliya Farmaajo Maamul Gobaleedyada iyo Musharaxiinta Mucaaradka.

Dawladda Mareykanka ayaa ugu baaqday madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Musharaxiinta Mucaaradka ka dhex taagan in si deg deg ah u xaliyaan is-mari waaga siyaasadeed ee ka taagan doorashada Soomaaliya, oo ay sheegtay inuu halis gelinayo mustaqbalka Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa Farmaajo ugu baaqday inuu heshiis la gaaro madaxda maamul goboleedyada, si ay taasi u ogolaato in si deg deg ah loo fuliyo doorashooyinka baarlamanka iyo madaxweynaha.

Sidoo kale Dawladda Mareykanka waxay sheegtay in si deg deg ah oo loo xaliyo is-mari waaga siyaasadeed ay muhiim u tahay mustaqbalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS