BALIGUBADLE MEDIA
Beesha Caalamka oo Xisbiyadda Somaliland Ku Cadaadinaysa Inay Meel Saaraan Kuraasta Haweenka Iyo Beelaha La Hayb Sooco.
February 23, 2021 - Written by Ahmed ALI

Beesha Caalamka Oo Xisbiyada Somaliland Ku Cadaadinaysa In Ay Meel Saaraan Murrashaxiinta Haweenka Iyo Kuwa Beelaha La Hayb Sooco

Safiirro iyo Dublamaasiyiin ka socotay Dalalka Somaliland ka taageera Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka, ayaa shalay kulamo kala duwan kula yeeshay Magaalada Hargeysa Madaxda sarsare ee Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland.

Kulamadan oo ahaa kuwa ay Dublamaasiyiintan oo ka socotay Dalalka UK, Germany, Sweden, Denmark, EU, UN iyo AU, si gaar gaar ah ula yeesheen Masuuliyiinta Xisbiyada, ayaa waxa si weyn diirada loogu saaray doorka Beelaha la haybsooco iyo haweenku ku yeelan lahaayeen Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada, oo in muddo ah dalalkani ay dabada ka riixayeen sidii ay xubno ugu yeelan lahaayeen Goleyaasha.

Masuuliyiinta Xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo UCID, oo ka hadlay kulamadan, ayaa waxa ay sheegeen in nuxurkoodu ahaa arrimaha doorashooyinka isku sidkan ee foodda innagu soo haya iyo qaabkii ay u qabsoomi lahaayeen.

Waxa kale oo ay Masuuliyiinta Xisbiyadu xuseen in Weftiga Beesha Calaamku kala hadleen sidii loo meel marin lahaa heshiiskii Xisbiyada ee la xidhiidhay xubnaha Haweenka iyo Beelaha la haybsooco uga mid noqon lahaayeen Murrashaxiinta ay Xisbiyadooda ka soo sharaxayaan doorashada.

Dalalka Adduunka ee Somaliland siiya taageerada ayaa waxa ay si weyn ugu cadaadinayaan Xisbiyada Somaliland in ay siiyaan fursad ay Goleyaasha kaga mid noqon karaan Haweenkan iyo Beelaha la Haybsooco.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia.com

COMMENTS