BALIGUBADLE MEDIA
Wasiir Cabdi Wali oo Markale Ku Hawlan Abaabulka Shir Jufadiisa Hoose ah Iyo Khilaaf uu Ka Dhex Abuurayo Beesha
January 7, 2021 - Written by admin

HARGAYSA(BGM)- Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta Iyo Technolajiyada Somaliland Dr Cabdiwali Sheikh Cabdilaahi ayaa kamid noqday wasiirada jabiyay Amarkii madaxwaynaha ee ahaa in aanay wasiiirada Xukuumadiisa ka qaybgalin shirarka reeraha isagoo hadalkan wasiiradiisa ku faray bilowgii xukuumadiisa, hadaba wasiir cabdi wali oo kamid ahaa xubnihii lagu tirinay dhinaca aqoonta ayaa xiligan shaqadii qaranka kaga mashquulay shirar uu uqabanto jufadiisa kuwaasi oo khilaaf culus ka dhex abuuray beesha reer xaad cali isagoo markii labaad abaabulay in uu magaalada hargaysa ku qabto shir, halka shirkii hore uu isla hargaysa ku qabtay laba todobaadka ka hor ay ka fashilmeen qorshihii uu watay islamarkaana aanay kazoo qaygalin madaxdhaqameedka beesha reer xaad hormuudkoodu, halka shirka uu doonayo in maanta galinka dambe ku qabto huteelka Gran hadi uu yahay mid khilaafkii udhexeeyay madaxdhaqameedka beesha iyo wasiir cabdiwali cirka kusii shareeray,
Xogaha laga helayo shir uu wasiir cabdiwali abaabulayo ayaa sheegaya in shirkad ay kazoo horjeesteen Jiif caaqilka Guud Ee beesha Jiif caaqil cabdisamad jiif caaqil maxamed ibraahim khaliif reer xaad cali iyo gudoomiyaha ururka hoodaale oo ah isna katirsan cuqaasha beesha caaqil maxamed yuusuf cumar oo labadu qaadacaysidoo kale waxaa iyana shirka wasiirku abaabulayo kazoo horjeestay labada caaqil eek ala ah caaqil Aadan Abiib iyo caaqil Axmed Cabdirashiid Hoore kala qaybinta uu wasiir cabdi wali ka dhexwado beesha reer xaad oo iyagu xiligan Umuuqda kuwo fashilka siyaasada wasiir cabdiwali darteen udhaqaaqay dhinaca xisbiyada mucaarid oo la sheegay in ay musharixiin beesha umatalayay golaha wakiilada gobolka maroodi jeex ay geeyeen xisbiyada mucaaridka mid kamid ah,
Dhanka kale xogaha kazoo baxay shirka wasiir cabdiwali Abaabulkiisa ku hawlan yahay ayaa la sheegay in uu daaran yahay sidii taageero ugu raadin lahaa musharax uu doonayo in uu geeyo xisbi xaakimka kulmiye oo xiligan cududii beesha uu kazoo jeedaa ka hayaameen kadib siyaasad xumada wasiirka oo shaqadii qaranka kaga mashquulay sedexda sano ee uu xilka hayay kala qaybinta beesha iyo shirar uu mararka qaar uqabto jufadiisa hoose oo sida ay sheegen xoguhu qaarkood uu isagu gudoomiyay,
Sikasta ha Ahaatee shirka uu abaabulayo wasiir cabdiwali ayaa ah mid ay sicad uga soo horjeesteen madaxdhaqameedkii beeshu kaasi oo hadii uqabsoomo laga cabsi qabo in uu kala kexeeyo beesha uu kazoo jeedo oo hada khilaafka uu wasiirku ka dhex istaadhay uu sobobi karo in ay ku kala tagaan xataa dhiiga iyo wada bixinta magta guud,
Waxaase laga war sugidoona sida uu madaxwayne biixi uga jawaabo cabashooyinka kazoo yeedhay guud ee beelaha gobolka gabiley ee uu wasiir cabdiwali usooxulay iyo jawaabta uu ka bixiyay wasiir ka horyimid qorshihii xukuumada kana door biday kala qaybinta jufadii hoose ee uu kasoo jeeday.

COMMENTS