BALIGUBADLE MEDIA
Raysal Wasaaraha Ethiopia oo Muddo La Baafinayay Kadib Qoraal Ku Baahiyay Boggiisa Facebook
January 31, 2021 - Written by admin

“Itoobiya waxa ay ka adkaaday kuwa ka soo horjeeday kuwa doonaya inay u burburiyaan ujeeddooyin shaqsiyadeed, Dad aan taariikhda wax ka baran ayaa maanta iyo mustaqbalkaba kici doona,laakiin sidii kuwii waagii hore ku kibray, waa la illoobi doonaa.Waddankeennu wuxuu sii wadaa inuu ku guuleysto ololeyaasha muuqda iyo kuwa aan muuqanba,Nidaamka dimuqraadiga ah ee aan dhiseyno waa natiijada geeddi-socodka siyaasadeed,waxay wadada u xaadhaysaa qof kasta oo Itoobiyaan ah oo Buuxiyay shuruudaha sharciga dalka oo ku guulaystay doorasho soona maray nidaamkeena siyaasadeed inuu noqdo

hogaamiye.wuxuuna noqon doonaa hogaamiyaha Itoobiya ee soo socda”.

Nuxurka Qoraal dheer oo lagu qoray Boga Facebook ee Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Ahmed ayaa sidaa lagu yidhi.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS