BALIGUBADLE MEDIA
Mudaharaado Lagaga Soo Horjeedo Madaxwayne Farmaajo oo Ka Dhacay Muqdisho
January 25, 2021 - Written by admin

Dibad-bax lagaga soo horjeedo Madaxweynaha Soomaaliya ee xilku ka sii dhamaanayo ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Dibad-baxayaasha oo isugu jiray haween & dhalinyaro ayaa isugu soo baxay xaafadaha ka tirsan degmooyinka Wadajir & Dharkenley ee, iyaga oo ay ku qeylinayey erayo ay ku cabirayeen dareenkooda, kana dhan ah madaxweynaha.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa watay sawirada madaxweynaha oo ay ku dul-qoran yihiin dooni-meyno kaligiis telis iyo ha-dhaco madaxweynaha. Farmaajo.

Qaar ka mid ah dadka ka qeyb-galay dibad-baxa oo la hadlay wariyeyaasha ayaa sidoo kale sheegay in aysan dooneyn in dalka dib loogu celiyo dagaal sokeeye, waxayna ugu baaqeen madaxweynaha inuu qabto doorasho loo dhan yahay, si looga baaqsado qalalaase.

Dhinaca kale Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka jiray dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo ku aadan doorashooyinka 2021-ka oo uu ka taagan yahay ismarin-waa xoogan.
Maamullada, Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka ayaa diidan hannaanka ay dawladda Soomaalita ku waajaheyso doorashada, iyada oo uu haatan waqti uu yahay mid gabagabo ah.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS