BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Biixi oo Aan Ka Hadal Heshiiska uu Dawladda Jabuuti Ku Siiyay Ceelasha Biyaha ee Lawyocaddo
January 3, 2021 - Written by admin

Madaxwaynaha Somaliland muuse Biixi cabdi oo todobaadkii tagay safar shaqo oo dhulka ah kaga soo laabtay Waddanka Jabuuti ayaan ilaa hadda ka hadal heshiiska rasmiga ah ee uu Dawladda Jabuuti ku siiyay Ceelasha biyaha ee ku yaala dooxa bariise ee deegaanka lawyocaddo ee xuduuda waddamadda Somaliland Iyo Jabuuti.

Madaxwaynaha oo markii uu kasoo laabtay jabuuti Khudbad ka jeediyay deegaanka agabar ee Gobolka gabiley ayaan soo hadal qaadin sababta keentay Inuu ceelashaa biyaha ee Somaliland ku yaala Ugu Wareejiyay Waddanka jabuuti balse madaxwaynaha ayaa taas bedelkeeda ka hadlay arrimo aan khusayn safarkiisa oo ku aadan guushii uu Saddex sanno kahor ka gaadhay Doorashooyinkii Madaxtooyadda

 

Shacabka Somaliland ayaa ilaa hadda iswaydiinaya Sababta keentay in Madaxwayne biixi aanu ka Hadal heshiiska uu ku wareejiyay biyaha dalka taas oo loo dhag taagayo ilaa hadda wakhtiga uu ka hadlaayo qadiyadaas.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS