BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Biixi Maka Bixi Doonaa Heshiiskii Xisbiyadda ee Doorashooyinka Isbarkan Mise Wuu Kaga Dhabayn Doonaa Heshiiskii uu Galay
January 1, 2021 - Written by admin

Badhtamihii sanadkii tagay ee 2020 waxa magaaladda hargaysa ku dhex maray sadexda Xisbi ee Somaliland heshiis rasmiya oo sheegaya in labadda doorasho ee Wakiiladda Iyo deegaanka Somaliland mar ay wada dhacaan heshiiskan oo ay qalinka ku duugeen madaxda saddexda xisbiyadda Somaliland ayaan la malayn karin inay wax iska badalaan Iyo inuu sidaa ku fullo maadaama oo ay hore u dhicisoobeen heshiisyo noocan ah oo ay sidan oo Kale u wada gaadheen axsaabta siyaadadda Somaliland.

Inta badan heshiisyadda hore ayaa ka buri jiray dhinaca Madaxwayne Biixi taasoo shaki galin karta in heshiiskani markale ka buro dhinaca madaxwaynaha oo lakala qaado labadda doorasho Iyo inay sidaa isbarkan ku fulaan

Si kastaba ha ahaatee waxaynu ka war sugaynaa jadwalka Doorashada ee ka soo baxa Komishanka Doorashooyinka marka ay Soo idlaato diwaan galintu taasoo laga ogaan karo inay wax is bedeleen Iyo inkale.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia.com

COMMENTS