BALIGUBADLE MEDIA
Maamulka Jubaland oo Beeniyay Guul Dawladda Somaliya Ka Sheegtay Beled Xaawo.
January 25, 2021 - Written by admin

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland ayaa waxa uu beeniyay hadalo ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo uu ku Sheegayay in maxaabiis kaga qabsadeen dagaalkii ka dhacay Beledxaawo.

Dagaalo culus oo u dhaxeeya Ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland iyo Ciidamada ka amarqaata Madaxweynaha xilku ka dhamaaday ee Soomaaliya Farmaajo ayaa Maanta ilaa xalay ka dhacay Magaalada Beled Xaawo.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxa uu beeniyay hadalo ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ee doolaalada ku jooga Muqdisho ee Xukuumadda xilku ka dhamaaday ee Soomaaliya oo uu ku Sheegayay in Maxaabiis lagaga qabtay Ciidamada Jubbaland dagaalkan,isla,markaana ay ka xun yihiin dagaalkaas ka dhacay Beledxaawo.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS