BALIGUBADLE MEDIA
Jubaland oo War Cusub Kasoo Saartay Khilaafka Kenya Iyo Somaliya.
January 28, 2021 - Written by admin

“Dawlad gobaleedka Jubbaland waxa arrin la yaab leh ku noqotey dacwadii ay Soomaaliya ka gudbisey IGAD inay ku jirto aflagaado qayaxan oo loo gaystey,Madaxweynaha Dawlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele,Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa warbixintii Gudiga xaqiiqo raadinta ee IGAD”.sidaa waxa lagu Sheegay Warsaxaafadeed laga soo saaray Shirkii Golaha Wasiirada Maanta ee Maamul Gobaleedka Soomaaliya Jubbaland.

Waxaana ay u dhignaayeen sidan qodobada laga soo saaray Shirkii Golaha Wasiirada Maamul Gobaleedka Soomaaliya Jubbaland.

Dood dheer iyo falaqeyn ka dib waxay goluhu isku raaceen in arrimaha soo socda lala wadaago ummada Soomaaliyeed iyo Beesha
caalamka.

1. Dagaalkii ka dhacey degmada Baladxaawo oo sababey khasaare naf iyo maalba leh waxay goluhu u tacsiyeynayaan dadkii ku dhintey dagaalkaas, waxayna ilaahey uga baryayaan
inuu ilaahey caafiyo intii ku dhaawacantey.

2. Waxay goluhu cambaareeyeen kuwii sababey dhibaatadaasa yagoo huwan magaca qaranka Soomaaliyeed, waxaa wax aad
looga xumaado ah sida ay ula dhaqmeen kuwa sheeganayey magaca ciidanka Soomaaliyeed askartii ka tirsaneyd ciidanka daraawiishta Jubbaland ee ay u gaysteen jirdilka
foosha xun,dilka iyo inay ku qasbaan waxaan jirin inay sheegaan iyagoo ku marin habaabinaya ummada soomaaliyeed,
taasoo ugub ku ah taariikhda ummada soomaaliyeed.Dawlada Jubbaland sidoo kale cambaareynaysaa in masuuliyiin iyo madax sheeganaya magaca qaranka ay ku faanaan dilka iyo daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed kuna tilmaamaan
guulo u soo hoydey.

3. Waxay goluhu aad u soo dhaweynayaan go’aankii geesinimada
lahaa ee Madaxweynaha Jubbaland uu ku amrey in Ciidamadii Jubbaland ee Balad Xaawo qabsadey ay dib ugu noqdaan
fadhiisimahoodii hore si loo badbaadiyo shacabka iyo hantida bulshada reer Baladxaawo,Maadaama uu dagaalku isku
badaley mid lagu dhex dagaalamayo magaalada iyo maatida
dhexdeeda.

4. Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa warbixintii Gudiga xaqiiqo raadinta ee IGAD taas oo Goluhu u arkey warbixin xaqiiqa ah
dhanna aan u xaglineynin,waxa Dawlad gobaleedka Jubbaland ku noqotey arrin la yaab leh dacwadii ay DFS ka gudbisey IGAD inay ku jirto aflagaado qayaxan oo loo gaystey Madaxweynaha Dawlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele iyo qodobo badan oo lagaga been abuurtay ciidamada Daraawiishta Jubbaland,Xaalada gobolka Gedo,Ganacsiga iyo kuwa kaloo badan taas oo cadeynaysa masuuliyad xumada hogaanka dalka.

5. Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa magacaabida Gudiyada
Maamulka Doorashada Qaranka ee Dowladaha Jubbaland iyo Puntland ee heer Dowlad goboleed taas oo uu goluhu u arkey
tallaabo sax ah oo horey loo qaadey.Wuxuu goluhu hoosta ka xariiqey inay lagama maarmaan tahay qabsoomida shirka
Golaha wadatashiga qaranka ee lagu baaqey si loo xalliyo Caqabadaha hor taagan Doorashooyinka.

Ugu dambeyn Goluhu wuxuu ka digayaa cid kasta oo sameysa doorasho aan la isku waafaqsaneyn inay masuul ka noqoneyso
dhibaatada ka timaada, Golaha wasiirada Jubbaland waxay ugu
baaqaan Madaxweynaha DFS inuu qaato doorkiisa hogaamineed iyo masuuliyada ka saaran badbaadinta Dalka.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS