Golaha Guurtida Somaliland oo La Iskugu Yeedhay Fadhi Aan Caadi Ahayn + Ujeedada uu Daaranyahay Kalfadhigu.
January 30, 2021 - Written by admin
Xoghayaha guud Golaha Guurtida Somaliland Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa ku wargaliyay Mudanayaasha Golaha Guurtida in ay ka soo qayb galaan fadhi aan caadi ahayn oo Maalinta Isniinta ee fooda inagu soo haysa Golaha Guurtida yeelan doono.
Fadhigan aan caadiga ahayn ee Shir garoonka Golaha guurtidu iskugu Yeedhay mudanayaasha golahaas ayaa ku saabsan sidii Golaha guurtida Somaliland kalfadhi uga yeelan lahaayeen go’aanka ay ka qaadanayaan mudada komishanka Doorashooyinku u qabtay inay ku dhacaan Doorashooyinka isxambaarka ah ee golayaasha Wakiiladda Iyo deegaanka oo ay is khilaafayaan muddo kordhin ay ay hore u sameeyeen golaha guurtidu oo ku eg dhamaadka bisha november ee Sanadkan 2021
Isku soo wada duuboo Golaha guurtida Somaliland ayaa loo dhag taagayaa go’aanka ay ka qaadan doonaan mudada uu komishanku soo Jeediyay.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS