BALIGUBADLE MEDIA
Doorashooyinka Isxambaarka ee Somaliland Sanadkan Cusub ee Curtay Ma Ku Dhici Doonaan Mise Dibu Dhac Ayaa Ku Iman Doona?
January 13, 2021 - Written by admin

Doorashooyinka isxambaarsan ee Somaliland Ayaa qorshaha Komishanka Doorashooyinku u dhigay ahaa inay qabsoomaan Badhtamaha sanadkan aynu ku jirno ee 2021

Balse qaadashadda Doorashooyinkan ayay ku gedaamanyihiin caqabado door ahi kuwaas oo ay kamid yihiin muddo kordhintii Golaha guurtidu u samaysay golayaasha Wakiiladda iyo deegaanka kuwaas oo mudada loo kordhiyay ay ku egtahay bisha November ee Sanadkan.

Sidoo kale caqabadaha kale ee ku gedaaman ayay kamid yihiin inuu burro heshiiskii Xisbiyadda ee ku aadanaa Doorashada Iyo wakhtiga rasmiga ah ee Komishanku ku diyaarin karaan qabsoomida Doorashooyinka hadaba su’aasha iswaydiina leh ayaa ah caqabadahani dib ma u dhigi karaan dorashooyinkaas mise way ku qabsoomi karaan?

Su’aalahan iyo jawaabahooda ayaa la kala ogaan doonaa Badhtamaha sanadkan aynu ku jirno

Isha Ku Hay Baligubadlemedia.com

COMMENTS