BALIGUBADLE MEDIA
Dawladda Kenya oo Ka Hadashay Dagaalka Ka Dhacay Beled Xaawo
January 25, 2021 - Written by admin

Dawladda Kenya ayaa warqad ay u qortay Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa waxa ay ku Sheegtay in ay ka walaacsantahay dagaalka ka dhacay Magaalada Beled Xaawo.

Dawlada Kenya oo ka hadashay dagaalkii Maanta ku dhex maray Magaalada Beled Xaawo Ciidamada Soomaaliya iyo Ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa warqad ay u qortay Guddoomiyaha ururka Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladda magaalada Beled Xaawo.

Sidaana waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada ee dalka Kenya.waxaana uu u dhignaa sidan.

“Walaaca ugu weyn ee aan qabno ayaa ah in dagaalka soo cusboonaaday uu horseedi karo barakac baahsan oo gudaha Soomaaliya ah iyo dadka u qaxaya xeryaha Kenya,” ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay wasaaradda arimaha dibedda ee Kenya.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia.com

COMMENTS