BALIGUBADLE MEDIA
Xulka Gobolka Maroodijeex oo Ka Guulaystay Xulka Gobolka Gabiley
November 14, 2020 - Written by editor

Ciyaarta afar dhamaadka koobka Goboladda Somaliland ayaa maanta dhex martay Xulalka Goboladda gabiley Iyo Maroodijeex kaas oo labadii haaf ee ciyaartuba Kusoo idlaadeen 1 Iyo 1 ay kala dhaliyeen Xulalka Labadda gobolba

Sidoo kale 30 daqiiqo oo lagu daray haafkii dambe ee ciyaarta ayaa iyaguna kusoo idlaaday hal Iyo hal barbar dhac ah waxaana qaybtii dambe ee ciyaarta la qabtay rikoodhayaal taasoo kusoo idlaatay 5 goal Iyo 3 goal oo ay guushu ku raacday xulka Gobolka Maroodijeex

Waxaana sidaa kama dambaysta koobka Goboladda Somaliland iskugu soo Baxay xulalka Goboladda Maroodijeex iyo daadmadheedh kuwaasoo ciyaarta koobka wada ciyaari doona maalinta isniinta ee todobaadkan

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS