Xulka Gobolka Hawd oo 2 iyo 0 Ugu Awood Sheegtay Xulka Gobolka Maroodijeex
November 2, 2020 - Written by admin
maanta waxa ciyaar xamaasad leh ku dhex martay xulalka goboladda hawd iyo maroodi jeex garoonka hargeysa stadium ee magaaladda hargeysa

ciyaartan oo ahayd mid xamaasadeedu sarayso islamarkaana ay taageerayaasha labadda gobolba soo bandhigeen ciyaar aad u heer saraysa ayaa waxa haafkii hore ku dhamaatay waxba la’aan aanay goolal iska dhalin labadda gobol
balse haafkii dambe ee ciyaarta oo ay labadda tobobareba lasoo dardaarmeen labadooda xul ayaa la isku soo noqday iyadoo markii waxoogaa ciyaartu socotay gobolka hawd keenay goolkiisii koobaad kaasoo ahaa rikoodhe loo qabtay number 7ka hawd ninka lagu magacaabo aamiin daadmadheedh oo isaga goolka hortiisa lagaga sameeyay xanaaqad isla ciyaaryahan aamiin daadmadheedh oo laagtay rikoodhaha ayaa u saxeexay goolka xulkiisa gobolka hawd
sidoo kale 3 daqiiqo oo lagu daray ciyaarta ayay gobolka hawd ay la yimaadeen goolkoodii labaad waxaana u saxeexay ciyaaryahan ayaanle good iyadoo sidaa ay guushu ku raacday xulka gobolka hawd
xulalka goboladda hawd iyo maroodijeex ayaa tan iyo intii ka dambaysay 2010 ee nla qabto koobka goboladda somaliland iskusoo hagaagay 4 jeer iyadoon laba final oo hore oo kala ah 2011 iyo 2013 ay guushu raacday xulka gobolka maroodijeex halka sanadkii 2016 ay guushu raacday xulka gobolka hawd oo ku badiyay 3 iyo 1 gool sidoo kale ciyaarta afaraad ayaa noqonaysa maanta oo gobolka hawd ku badiyay 2 iyo 0
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS