BALIGUBADLE MEDIA
Wararkii Ugu Dambeeyay Gulufka Militari Ee Ka Socdo Gobolka Tigreyga
November 10, 2020 - Written by admin

Hargeysa(BGM):- Ciidamada Militariga Itoobiya ayaa sii wada hawlgalka ka dhanka ah Maamulka Gobolka Tigreyga ee Waqooyiga Itoobiya, iyadoo ciidamaduna isu ballaarinayaan deegaanada Tigreyga.

Taliyaha cusub ee Ciidamada Itoobiya, General Berhanu Julla oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Federaalka ay la wareegeen Magaalooyinka Bakar iyo Dansha, iminkana ay ciidamada ku sii siqayaan Magaalooyinka Shire iyo Shiraaro.

Taliyaha ayaa sheegay in Ciidamada Federaalka ay gacanta ku dhigeen maleeshiyaad iyo askar ka tirsan Ciidamada Booliska ee deegaanada Tigreyga.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in waxa uu ugu yeeray burcadda TPLF cagta la marin doono, haddii aan cagta la marin buu yiri aanay Itoobiya heli doonin nabad buuxda.

Madaxweynaha Maamulka Tigreyga, Debretsion Gabresilasie ayaa sheegay in Xukuumadda Abiy Ahmed ay dhegaha ka fureysatay baaqyada caalamiga, isla-markaana ay dooratay dagaal. Waxa uu sheegay in Xukuumadda Addis Ababa ay qaadi doonto masuuliyadda khasaaraha ka dhasha hawlgalkan.

Gulufka ciidan ee ka socdo dhulka Tigreyga lama soo sheegin waxyeelo dadka rayidka ka soo gaartay, illaa iyo hadda inta laga warqabo, ha yeeshee hawlgalka ayaa saamayn muuqato ku yeeshay dadka deegaanka, kuwaa oo qaarkood bilaabay inay guryahooda ka cararaan.

Dhanka kale Qaramada Midoobey ayaa sheegtay inay haataan jiraan isku dhacyo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka iyo Xoogaga Tigreyga. Illaa sideed goobood ayay xustay inay isku dhacyadaasi ka jiraan.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in malaayiin qof ay halis ugu jiraan inay ku barakacaan dagaalka, isla-markaana aan wax gargaar ahi la gaarsiin karin Gobolka Tigreyga, haddii Ciidamada Federaalka ay si weyn u hareereeyeen.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo xulufadiisii hore ee Tigreyga ayuu Arbacadii xoogeystay khilaafkii ka dhaxeeyay, ka dib markii uu Ra’iisal Wasaaruhu amray in ciidamadu ay hawlgal militari ugu dhaqaaqaan Gobolka Tigreyga.

Tani waxay ka dambeysay markii uu Ra’iisal Wasaaruhu sheegay in maleeshiyaad taabacsan Maamulka Tigreyga ay weerareen saldhig ay degan yihiin Ciidamada Federaalka.

COMMENTS