BALIGUBADLE MEDIA
UCID Oo Ka Hadlay Xulashada Musharraxiinta Uga Qayb-Galaya Doorashada Goleyaasha Wakiilada Iyo Deegaannada
November 8, 2020 - Written by admin

Hargeysa (BGM): – Xisbiga Mucaaradka ee UCID ayaa ka hadlay Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha ee dhawaan la filayo in dalka laga bilaabo, waxaanu ku booriyey dadweynaha reer Somaliland inay ka faa’iidaystaan oo ay qaataan kaadhka diiwaangelinta, ee ay codkooda ku bixinayaan.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga UCID Muxaydiin Cabdiraxmaan Cali, ayaa sidoo kale ka xog warramay xulashada musharixiinta uga tartamaya Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, waxaanu ugu horeyn yidhi “Diiwaangelintii codbixiyayaasha waa tan oo waa la bilaabayaa, oo hadba Gobol baa laga bilaabaya, dabcan waxaa is diiwaangelinaya oo la diiwaangelinayaa dadka uu sharcigu u ogol yahay, inkasta oo ay dhacdo in aanay dad badani isku diiwaangelin, laakiin waxaa muhiim ah in in qof walba oo sharcigu u ogol yahay inuu codeeyo, inuu is diiwaangeliyo, markaas dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan inay ku baraarugsanadaan diiwaangelinta ayaa loo baahan yahay si ay u helaan xuquuqdooda ah inay codkooda dhiibtaan, hadbana ay codkooda siiyaan cidda ay u gartaan”.

Mar uu ka hadlayey Musharixiinta Xisbiga UCID uga tartami doonta Doorashooyinka Deegaanka iyo Wakiillada ayuu yidhi “Anagu Xisbi UCID ahaan waxaanu insha allaah soo xuli doonaa oo Doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka nooga tartami doona Musharixiin aqoon durugsan leh oo xul ah”.

Isha ku hay Baligubadlemedia

 

COMMENTS