Somaliland Oo Xukun Dil Ah Ku Riday Nin Loo Haystay Inuu Kufsi Iyo Dil Ka Geystay Burco
November 22, 2020 - Written by admin
Hargeysa(BGM):-Maxkamadda gobolka Togdheer ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Sakariye Cabdi Yuusuf, oo la sheegay in lagu helay dambi ah in uu Kufsi iyo dil u gaystay Marxuumad Ugbaad Cali Cabdilaahi, oo ahayd gabadh Dhallinyaro ah.
![](https://baligubadlemedia.com/bgm/wp-content/uploads/2020/11/XCCC.jpg)
Ugbaad Cali Cabdilaahi oo ahayd Hooyo saddex carruur ah haysatay ayaa kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Burco ee Somaliland, waxaana eedeesanaha maanta kiiskaan loo xukumay uu horey u qirtay inuu isaga ka dambeeyay falkaan.
Ninkaan ayaa booliiska isku dhiibay kadib markii uu u sheegay inuu isagu falkaas ka dambeeyay.
Warbixino horey loo baahiyay ayaa sheegayay in marxuumada iyo dambiilaha falkaan geystay ay isku guri degnaayeen, balse qoyska gabadha ayaa beeniyay inuu jiray xiriir u dhexeeyay labadooda.
Like this:
Like Loading...
COMMENTS