BALIGUBADLE MEDIA
Shariif Sheekh Axmed Oo Maanta U Ambabaxay Dalka Jabuuti
November 7, 2020 - Written by admin

Hargeysa(BGM):- Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta u ambabaxay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa la fillayaa in uu dalkaasi kula kulmo Madaxda Jabuuti, oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Sidoo kale Shariif Sheekh Axmed ayaa mudada uu ku sugan yahay dalka Jabuuti waxaa lagu wadaa inuu kula kulmo ganacsatada Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay dalkaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in socdaalka Shariifka ee Jamhuuriyadda Jabuuti uu la xiriiro ololihiisa doorashada madaxtinimada ee dalka.

Shariifka ayaa ka mid ah musharaxiinta u taagan doorashada lagu wado inay dalka ka dhacdo horaanta sanadka soo socda ee 2021.

 

Isha ku hay Baligubadlemedia

COMMENTS