BALIGUBADLE MEDIA
Qiimaha Tigidhka Gelitaanka Afar Dhamaadka Ciyaaraha Gobalada Ee Garoonka Hargeysa Stadium Ayaa La Kordhiyay
November 12, 2020 - Written by admin1

Hargeysa(BGM):- Qiimaha Tigidhka gelitaanka Afar dhamaadka Ciyaaraha Gobalada ee Garoonka Hargeysa Stadium ayaa la kordhiyay.

Iyada maalinta bariyana ay wada ciyaarayan gobolada hawd iyo daadmadheedh oo maraya wareega Afar dhamaadka ama sime-finalka oo bari gobolkii baadiya uu u baxayo final.

Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa ka dhigtey qiimaha tigidhada lagu geli doono ee cusub 10,000 (Tobban Kun), oo shilling-ka Somaliland ah iyadoo hore u aheyd 5000 (Shan Kun), oo Shilling-ka Somaliland ah.

COMMENTS