BALIGUBADLE MEDIA
Midowga Africa Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaalka Itoobiya
November 10, 2020 - Written by admin

Hargeysa(BGM):- War ka soo baxay Ururka midowga Africa ayaa looga hadlay dagaalka sii xoogeysanaya ee ciidamada difaaca Qaranka ka wadaan gobolka Ismaamulka Tigray-ga ee Waqooyiga dalkaasi Itoobiya.

Moussa Faki Mahamat guddoomiyaha Midowga Africa ayaa dhinacyada ay dirirtu u dhexeyso ugu baaqayin ay dagaalka joojiyeen wixii khilaaf ah ee jirana lagu soo dhameeyo wada hadal iyo nabad.

Dagaalka ayaa u muuqda mid aan wali lagu kala adkaan iyadoo horay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya uu u sheegay in waqti kooban ku soo afjari doonaan howlgalka.

Gobolka Tigrayga ayaa la sheegay in ay ku yaala saldhigyada ugu culus marka la eego xarumaha militariga dalkaas waxaana dad badani ay qabaan in dagaalka halkaa ka socda ay adag tahay muddo kooban lagu soo afjaro.

Horay hoggaamiyaha Ismaamulka Tigrayga ayaa ugu dalbaday midowga Africa in ay soo faragaliyaan xaalada ka taagan Itoobiya.

 

COMMENTS