BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay(Sawirro)
November 5, 2020 - Written by admin

Hargeysa(BGM):- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland cabdiraxmaan cabdilaahi ismaaciil saylic ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib muddo laba iyo labaatan maalimood uu ku maqnaa dalka imraadka carabta

“Kadib socdaal mudo labo iyo labaatan maalmood qaatay oo aan ku maqnaa dalka Imaaraadka Carabta waxaan dib ugusoo laabtay dalka hooyo.

Run ahaantii, wuxuu ahaa safar muhiim u ah xidhiidhka labada dal. Sidoo kale, waxtar wayn u leh horumarka qaranka Somaliland.

Waxaan kulamo kala duwan lasoo qaatay madaxda usaraysa dawladda Imaaraadka Carabta, shirkado, ganacsato iyo daneeyayaal xiisaynaya in ay dalka maalgashadaan.

Sikaste ha ahaate, madaxdaa kala duwan waxa aanu ku marti qaadnay in ay dalka Somaliland yimaadaan. Waxaanan rajaynaynaa in ay sida ugu macquulsan inagusoo gaadhaan.

 

COMMENTS