BALIGUBADLE MEDIA
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Iyo Ku-Xigeenkiisa Koowaad Oo La Doortay
November 4, 2020 - Written by admin

Hargeysa(BGM):-Waxaa soo dhamaatay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka 2aad ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle iyadoo Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha Baarlamaanka.

Guddoomiyaha cusub ayaa helay 77 cod halka musharixiin la tartamayay Maxamed Maxamuud Goodir uu helay 21 cod guud ahaan marka la eego xildhibaannadii codadka dhiibatay oo ahaa  99 mudane iyadoo hal codna la sheegay in uu xumaaday.

Siraaji Seekh Isxaaq ayaa loo doortay sidoo kale in uu noqdo guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee  Baarlamaanka dowlad gobolleedka Hirshabeelle kaddib markii uu tanaasulay musharixiin la tartamayay Saadaq Salaad Warsame.

Waxaa dhinaca kale la sugayaa natiijada guddoomiye ku-xigeenka Labaad oo ay ku tartamayaa Canab Axmed Ciise iyo Mahad Xassan Cismaan.

Doorashada ayaa imaneysa xili magaalada Jowhar uu ku sugan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ay weliyaan mas’uuliyiin hore oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

 

COMMENTS