BALIGUBADLE MEDIA
Akhriso Xog Rasmi Ah Oo Ku Saabsaan Mashruuc Qarsoodi Ah Oo Madaxwaynaha Somaliland Uu Ka Dhagax Dhigay Magaalada Gabiley
November 21, 2020 - Written by admin

Hargeysa(BGM):- 12-kii bishii hore ee October ee Sanadkan ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi lagu soo dhaweeyey magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley isagoo Madaxweynuhu ka soo laabtay safar shaqo oo uu ku joogay gobolka Awdal.

Sida ay ii xaqiijiyen ilo xog ogaal ahi, Maalintii ku xigtay oo ahayd 13-kii bisha October ayuu Madaxweynaha iyo xubno ka tirsan Xukuumadiisa iyo maamulka gobolkaasi iyo ka degmada Gabiley ku jarmaadeen subixii hore ee maalintaasi deeganka lagu magacaabo qudhaco oo magaalada gabiley kaga beegan dhinaca waqooyi barri oo ah halka ay iskaga darsamaan labbada doox ee waqooyi iyo koonfur ka mara magaalada gabiley, iyadoonay markaasi Madaxweynaha aanay la socon wax warbaahin ahi guud ahaanba.

Madaxweynaha ayaa ka dhagax dhigay dhaam biyood ku fadhiya dhul baaxadiisu balaadhan tahey oo dhismihiisana ay ku kacaayso lacag gaadhaysa 2 Milyan oo dollarka Maraykanka ah.

Kaas oo loogu talo galey in beeraleyda deeganada hoos yimaada magaalada Gabiley iyo shacabka ku dhaqan magaalada Gabileyba uga faa’ideystaan arrimahan hoos ku xusan:-

  1. Waraabka beeraha deegankasi.
  2. In shacabka Ku Dhaqan magaalada Gabiley looga soo saaro biyo macaan oo ay isticmaalan.
  3. In dhaamka marka la hirgaliyo lagu beero kalluunka ku tarma biyaha macaan.

Sida ilahan xog ogaalka ahi xaqiijiyen Madaxweynaha ayaa ku amray waftigii la socday in aan la baahin lana shaacin dhagax dhiga iyo hirgalinta mashruucan oo ay ku kaceyso lacag gaadhaysa 2 Milyan oo dollarka maraykanka ah.

Sababta Madaxweynaha oo intuu safarkaasi ku jirey ee uu ku sugnaa gobolada kale ee Somaliland mashaariic ka dhagax dhigay qaarna xadhiga ka jarey aaney ku bixin kharash gaadhaya malayiin dollar islamarkaana la baahiyey muuqalada iyo wararka ku saabsanba balse uu u codsadey inaan la baahin warar ku saabsan mashruucan uu ka dhagax dhigay Gobolka Gabiley ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha ay ku mucaaradi karaan hirgalinta mashruucani bulshada ku nool deeganada barriga Somaliland.

Islamarkaana ay ku eeden karaan inuu deeganada uu ka soo jeedo Madaxweynuhu ka hirgaliyey mashaariic waaweyn oo lacag badan xukuumadiisu ku maalgalineyso hirgalintooda iyadoo sidoo kalena xukuumadiisu aanay mashaariic hor leh ka hirgalin deeganada barriga Somaliland sida ay sheegan marar badan bulshada ku dhaqan deegankaasi.

Iyo Sidoo kale in dadka beerahoodi ay lahaayen lagu darey qorshaha dhulka dhaamku aanay uga soo horjeedsan ka hor inta aan lagu qancin in dhul beeroodkooda lagu daro dhaam biyoodkan, iyagoo dhul beereedka lagu darey qorshan ee ay lahaayen hore ugu dalbadey xadi badan oo lacag ah in Xukuumadu kaga bedalato.

Mashruucan ayay Madaxweynaha ka dalbadeen ganacsatada iyo waxgaradka gobolka uu hayb ahaan ka soo jeedo ee Gabiley.

Madaxweynaha ayaa amaray fulintiisa dhaam biyoodkan dalabkaasi ka dib wasaradaha ku shaqada leh, isagoo madaxweynuhuna si rasmi ah u dhagax dhigay wakhtigaas, iyadoo ay deegano badan oo barriga Somaliland ka cabanayaan in xukuumadu aaney mashaariic badan ka hirgalin deeganadooda.

Waa markii ugu horaysey ee mashruuc Xukuumada Somaliland fulinayso la diido shaacintiisa oo si qarsoodi ah lagu hirgaliyo, iyadoo xukuumada looga bartay iney soo bandhigto kolba mashaariicda cashuurta dadweynaha lagu dhisey ee deeganada kale ee Somaliland laga hirgaliyo.

 

COMMENTS