Xukuumadda Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabtay Fanaanka Qamar Suugaani Oo Muqdisho Ka Soo Laabtay
October 26, 2020 - Written by admin
Hargeysa(BGM):- Xukuumadda Soomaaliland ayaa la sheegay in ay xabsiga u taxaabtay Fanaanka Qamar Suugaani oo ka mid ah fanaaniinta somaliland.
Fanaankan ayaa in dhaweyd safar ku joogay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
in kasta oo aanay wali xukuumadda iyo laamaha ammaanka midkoodna ka hadal xadhiga Fanaankan, hadana waxa loo badinayaa in uu la xidhiidho safarkiisan u dambeeyay ee Magaaladda Muqdisho uu ku joogay.
Somaliland ayaan ogolayn in Siyaasiyiinta, Fanaaniinta iyo dadka magac Leh ee u dhashay Somaliland in ay u safraan Soomaaliya, waxaana hore u jiray fanaaniin iyo siyaasiyiin sidan oo kale safar ugu baxay muqdisho oo ay xukuumadihii soo maray Somaliland xabsiga u taxaabeen.
Like this:
Like Loading...
COMMENTS