BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Waxbarshada Oo Digniin U Diray Shirkado Bixiyaha Deeqaha Waxbarshada Ee Dibeda
October 22, 2020 - Written by admin

Hargeysa(BGM):- Wasiirka Waxbarashada Iyo Sayniska Somaliland, mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa digniin u diray shirkado uu sheegay in ay sifo qaldan lacago uga urursadaan dhallinyarada ka qalinjabisa dugsiyada sare ee dalka, islamarkaana dalka dibadiisa u raadsada waxbarasho Jaamacadeed.

Wasiir Toorno, ayaa sheegay in habayaraate aanay jirin shirkad bixisa waxbarasho bila lacag ah oo jaamacad dibadeed ah, balse shirkadaha iyo shaqsiyaadkaasiba ay yihiin kuwa ku doonaya lacago ay dhallinyaradaasi ka qaadan.

Wasiirku waxa uu dhallinyarada dugsiyada sare ka baxay ugu baaqay in cidii doonaysa waxbarasho dalka dibadiisa ay wasaaradda la soo wadaagto, si ay uga caawiyaan wixii xaqiiqo ah.

COMMENTS