Suxufiyad Ka Hawlgasha Telefishanka Sahan oo Xabsiga Loo Taxaabay
October 22, 2020 - Written by admin
Wariye Barwaaqo Xaaji Faarax Oo Ka Hawl Gasha Telefishanka Madaxa Banaan Ee Sahan ayaa la sheegay In Lagu Xidhay Magaaladda Hargeysa.
Xadhiga Wariye Barwaaqo oo Warbaahinta U Xaqiijiyay Guddoomiyaha Telifshankaasi Axmed Cabdiraxmaan ayaa ka Dambeeyay ka Dib Markii iyada Oo duubaysa Dad Ka Cabanayay Xukunkii Lagu Riday Raggii Kufsiga U Geystay Gabadh Yar Oo Ku Jirtay Xarunta Agoomaha Hargeysa.
Xukuumada Iyo Ciidamada Booliska ayaanu Midkoodna Ka Hadal.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS