BALIGUBADLE MEDIA
Sompower oo Munaasibad Hadhimo Sharafeed Iyo Wareejin Agab Ciyaareed Iskugu Jirta U Samaysay Xulka Gobolka Hawd
October 27, 2020 - Written by admin

Shirkadda Korontadda ee Sompower ayaa Maanta hotelka Nomad Caffe Ee Magaaladda Hargeysa Xaflad Iskugu Jirta Hadhimo Sharafeed iyo Ku Wareejin Agab Ciyaareed U Samaysay Xulka Gobolka Hawd

Munaasibadan oo ahayd mid si heersare ah loo soo Agaasimay ayaa waxa ugu horayn uu Ka Hadlay Mustafe maxamuud Cabdilaahi (Alkhaliili) oo Ku Hadlaayay Afka Shirkadda Sompower isagoo sheegay in Sababta casuumadan iyo agabka ciyaaraha ay ku wareejinayaan xulka Gobolka hawd yahay sidii shirkaddu uga qayb qaadan lahayd dhiiri galinta dhalinyaradda Iyo ciyaaraha Waxaanu ku dheeraaday muhiimadda ay qaranka u leedahay kobcinta ciyaaraha iyo dhiiri galinta dhalinyaraddu

Sidoo kale Mustafe alkhaliili wuxuu sheegay inay shirkadda Som power ay ka go’antay sidii ay uga shaqayn lahayd arrimaha ciyaaraha iyadoo muhiimada ciyaaruhuna tahay is dhexgalka dhalinyaradda reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan ayuu yidhi aqoonyahan mustafe alkhaliili oo ku hadlaayay afka shirkadda Sompower

Tobobaraha Xulka Gobolka hawd iid Ciise jibriil oo isna Munaasibada ka hadlay ayaa mahadnaq balaadhan u jeediyay Shirkadda Sompower oo uu ku amaanay sida ay Isku barbar taagtay Gobolka hawd iyadoo agabyo kala duwan iyo taageeraba nala garab taagnayd mudooyinkii u dambeeyay ayuu yidhi isu duwaha Gobolka hawd ee Wasaaradda ciyaaruhu

Sidoo kale badhasaabka Gobolka hawd maayarka degmadda Baligubadle Wasiirka maalgashiga agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqadda Iyo shaqaalaha, marwo basbaaso, xoghaya Guud ee Xisbiga Waddani, Xoghayha Dhalinyaradda iyo ciyaaraha Xisbiga waddani, lataliyaha madaxwaynaha ee dhalinyaradda Cabdi Najax siyaad, gudoomiyihii hore ee Gobolka awdal buraale jibriil oo madasha ka hadlay ayaa kuligood Shirkadda Sompower Ku amaanay doorka taageero ee ay la barbar taagantahay ciyaartoyga Gobolka hawd iyagoo dhalinyarada ciyaartoyga Gobolka hawdna kula dardaarmay inay ilaaliyaan Anshaxa iyo aadaabta ciyaaraha mudada tartanku socday.

Ugu dambayntii masuul kamida maamulka shirkadda Sompower ayaa isna ku dheeraaday ahmiyadda ay ciyaaruhu u leeyihiin dhalinyaradda isagoo sheegay inay ka shirkad ahaan marwalba taageero la barbar istaagayaan ciyaartoyadda ka qayb galaya tartanka islamarkaana ay dhiiri galinayaa tartanadda ciyaaraha

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS