BALIGUBADLE MEDIA
Minnesota Waxay Tirineysaa 20 Dhimasho Kale Oo Ka Timid COVID-19
October 27, 2020 - Written by admin

Hargeysa(BGM):- 20 ayaa ku darsantay inta u dhintay COVID-19 ee reer Minnesota dadka dhintay ee la soo wariye waxay u badnaayeen muwaadanniin waayeel ah. Shan ka mid ahna da’doodu waxay ka badnayd 70tan, siddeed kalena waxay ahaayeen 80tan jirro, lixna 90shan jirro iyo hal 100 sano kor u dhaafay.

Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (MDH) waxay intaas ku dartay in wadarta guud ee dadka uu ku dhacay cudurka COVID-19 ee gobolka gaaray 128,512 qofood. Wadarta guud ee dadka jiran ee shalay waxaa ku korortay 1561 qofood.

154 reer Minnesota ah ayaa hadda cudurka COVID-19 ugu jira Qeybta Daryeelka Degdegga (ICU) ee isbitaalka. 430 qofood oo kalena isbitaalka ayay ku jiraan laakiinse ma helaan daryeel deg deg ah.

COMMENTS