BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwaynaha Somaliland oo Hargeysa Stadium Ku Daahfuray Tartanka Koobka Goboladda Somaliland
October 28, 2020 - Written by admin

Madaxwaynaha Somaliland oo Hargeysa Stadium Ku Daahfuray Tartanka Koobka Goboladda Somaliland

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta Daahfuray tartanka koobka Goboladda Somaliland oo maanta Ka furmay garoonka Ugu wayn caasimadda ee hargaysa stadium

Munaasibadan oo ahayd mid si heersare ah loosoo agaasimay ayaa ugu horayn markii Madaxwaynuhu garoonka soo galay dadwaynaha garoonka ku Sugnaa kusoo dhaweeyeen sacab iyo qaylo iyadoo Madaxwaynuhu salaan ka qaatay Ciidamadda Markii dambena u gudbay Dhinaca VIP-da ee garoonka

Madaxwaynaha ayaa daawaday 13ka gobol ee Tartanka ka qayb galayay oo lagu soo bandhigay garoonka iyada oo uu markii dambena furay ciyaarta ugu horaysa ee ay wada yeelanayeen xulalka Goboladda Hawd Iyo Buuhoodle oo iyadu markii dambe kusoo idlaatay 1 iyo 1 barbar dhac ah

Jawiga garoonka ayaa ahaa mid degan iyadoo dhamaan dadkii kasoo qayb galay daawashadda ciyaartu si niyad sami ah u wateen taageeradooda labadda gobol

Tartanka Koobka Goboladda Somaliland ayaa u muuqda mid xamasaad leh iyadoo ay dadwaynuhu buux dhaafiyeen tarabuunadda garoonka

Si kastaba ha ahaatee tartanka koobka Goboladda Somaliland ayaa muujinaya sida ay shacabku U danaynayaan daawashadda ciyaaraha oo aan xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland ahmiyad wayn siin

Axmed Aadan Rooble

Baligubadlemedia.com

Hargeysa Somaliland

COMMENTS