BALIGUBADLE MEDIA
DEG DEG:- Guddoomiye Farxaan Aadan Haybe Oo Sheegay In Laga Helay Covid 19.
October 28, 2020 - Written by admin

Hargeysa(BGM):- Guddoomiye Farxaan Aadan Haybe ayaa  Sheegay In Laga Helay Covid 19 gudoomiyaha ayaa qoraal uu ku baahiyey barta Facbuugiisa waxanu u dhigna sidan.

“Shalay ayaan waxoogaa qufac ah yeeshay si aan isu hubiyo caafimaadkayga iyo taxadir badbaado dadka kale ah u sameeyo, Baadhis la xidhiidhi Covid-19 ayaan sameeyay ilaa shalay iyo maanta oo baadhista natiijada aan sugayay guriga kama bixin. Imika ayaa la ii soo sheegay natiijada in aan positive ahay.”ayuu ku yidhi Qoraal uu ku baahiyey barta Facbuugiisa..

“Alxamdulilah wax culays ah ama isbadal ah xataa xumad ma yeelan keliya qufac kooban mooyee, markaa muhiim ayay u tahay qof kastaa inuu is baadho si uu u xaqiijiyo caafimaadkiisa iyo waajibka ka saaran caafimaadka intuu jecel yahay iyo bulshadiisa guud ahaan si aynu uga qayb noqono xakamaynta cudurka safmarka ee Coronavirus. Sida dhakhtaradu ku taliyeen 14 cisho Hadii Allah ogolaado waa waajib in aan guriga fadhiyo isna takooro.”

 

 

COMMENTS