BALIGUBADLE MEDIA
Waxay u tageen Muqdisho “Cadaadis iyo cidhiidhi kaga yimid Qaramada Midoobey iyo caalamka”
September 2, 2020 - Written by admin
.

Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa lagu wadaa in maanta ay kulan rasmi ah la yeeshaan madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si xal looga gaaro nooca doorasho ee uu dalka aadayo dabayaaqada sannadkan iyo bilowga sanadka soo socda.

Axmed Maxamed Islaam iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay casho loogu sameeyay madaxtooyada Villa Somalia, waxaana ka horreeyay kulamo ay shalay gelinkii dambe la qaateen xubno ka tirsan beesha caalamka.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka faalooda arimaha Afrika ayaa BBC-da u sheegay in waxyaabaha ay ka wadahadli doonaan madaxda ay ka mid tahay sidii loo dhisi lahaa dowlad marka uu dhammaado muddo xileedka hadda.

“In horta dowlad la soo dhiso lagama maarmaan weeye oo xitaa dowlad aan kumeel gaar aheyn in meesha ay iska joogto waa sharci darro. waxyaabaha ay ku adkeysanayeen weeyaan Deni iyo Axmed, waana lagama maarmaan in dowladi ay jirto,” ayuu yiri Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.

“In meeshaas uu ka soo baxo heshiis dambe oo dib loo lafagurayo wixii lagu heshiiyay shirkii Dhuusamareeb ee ay ka maqnaayeen.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ay tageen Muqdisho ka dib cadaadis uga yimid Qaramada Midoobey iyo beesha caalamka.

“Waxaan is leeyahay waxay u tageen xoog iyo ciriiri kaga yimid Qaramada Midoobey iyo kuwan la dhaho caalamka, si gaar ah in ay kusii horreeyaan Xalane. Qoladaa dibadda ka socota ee Qaramada Midoobey iyo caalamka, xoog badana waxay saareen kuwa Xamar jooga, marka labadii qolo waa la fajaasay taas ayaa keenta in ay isku yimaadaan”.

Axmed Madoobe iyo Deni oo Muqdisho kula kulmay wakiilo ka socday beesha caalamka
Axmed Madoobe iyo Deni oo Muqdisho kula kulmay wakiilo ka socday beesha caalamka

Dhawaan ayay aheyd markii Maamullada Puntland iyo Jubbalnd ay ka hor yimaaddeen ayna qaaddaceen qodobbadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb-3 .

“Dhuusamareeb-3 waxay aheyd inay joogaan, ma aanay joogin, marka waxay iska aheyd tii ka soo baxday Dhuusamareeb-tii 3-aad mid bilaa sharci ah oo waxaan loo dhameyn ayaa lagu soo bandhigtay meesha taasina waxay waranka ku taageysa in dadka meesha isugu yimid in badan aanay umadda kalsooni ka wadan,” ayuu yiri Cabdi Ismaaciil Samatar.

“Dowladdaha Jubbaland iyo Puntland, waxay iyagoo ixtiraamaya aragtida ka qeyb galayaasha caddeynayaan in qodobada qoraalkii ka soo baxay shirka Dhuusamareeb 19 August 2020 ee ku aadanaa soo jeedinta hannaanka doorashada dalka ay tahay aragti ku kooban Madaxdii ka qeyb gashay Shirka oo ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed”, ayaa lagu sheegay war saxafaadeed dhawaan kasoo baxay Puntland iyo Jubbaland.

Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa kulan la qaatay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, waxay ka wadahadleen sidii heshiis looga gaari lahaa arrimaha doorashada.

Sababa “la isugu khilaafay shirkii Dhuusamareeb-3”

Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa ku sugan Shirka Dhuusamareeb 3
Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa ku sugan Shirka Dhuusamareeb 3

Ujeeddada ugu weyn ee shirkan ayaa ah sidii dhinacyadu ay isugu waafaqi lahaayeen habka ay u dhaceyso doorashada Soomaaliya ee 2021-ka.

Labo shir oo hore ayaa ka qabsoomay Dhuusamareeb, waxaana shirkan saddexaad laga dhowrayay natiijo muhiim ah.

Arrimo dhowr ah ayaa loo aaneynayaa inay sabab u yihiin khilaafka hareeyay shirka saddexaad ee Dhuusamareeb, oo ah mid horay loogu ballansanaa balse aysan ka qeybgalin Deni iyo Madoobe.

Xukuumaddii la riday

Ra'iisul Wasaarihii xukuumaddiisa la riday ayaa goob joog ka ahaa shirkii Dhuusamareeb ee bishii lasoo dhaafay qabsoomay
Ra’iisul Wasaarihii xukuumaddiisa la riday ayaa goob joog ka ahaa shirkii Dhuusamareeb ee bishii lasoo dhaafay qabsoomay

Mid ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee saldhigga u ah ismaan-dhaafka hareeyay shirka Dhuusamareeb ayaa lagu tilmaamay go’aankii meesha looga saaray xukuumaddii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa Xasan Cali Kheyre, taasoo lasoo billaabatay hannaanka shirka wadatashiga.

Baarlamaanka federaalka ayaa codka kalsoonida kala noqday xukuumadda, islamarkii uu soo dhammaaday shirkii labaad ee ka qabsoomay Magaalada Dhuusamareeb.

War-saxaafadeed 16-kii bishii la soo dhaafay ay soo saartay Puntland ayaa u muuqday mid ay ku qaaddaceen wajiga saddexaad ee Shirka Dhuusamareeb, oo furmay.

“Dowladda Puntland waxay soo jeedineysaa in qabsoomidda shirka Dhuusamareeb 3 ay ka horreyso hubinta in lagu gaadhayo heshiis saldhig leh, sidaas darteed Dowladda Puntland waxay ku baaqeysaa in shirku noqdo mid ka qeyb galkiisa ay u dhan yihiin madaxda dowladda federaalka ah, dowladaha xubnaha ka ah iyo diblomaasiyiinta beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka kasoo baxay Puntland.

“Hirgalin la’aanta qodobbadii lagu heshiiyay” Dhuusamareeb-2

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa mowqifkaas la qaba Puntland, wuxuuna sheegay in wajigii labaad ee shirka Dhuusamareeb la qaaday tallaabooyin “dib u dhac sababay”.Madaxda ku sugan Shirka Dhuusamareeb 3

Madaxda ku sugan Shirka Dhuusamareeb 3

Waxaa kale oo ay mas’uuliyiinta Jubbaland qoonsadeen burburinta xukuumaddii federaalka.

“Waxaa xusid mudan, in shirkii dhuusamareeb 2 ka dib uu hogaanka dowladda Federalka ah qaaday tallaabooyin aan u adeegayn hirgalinta wixii lagu heshiiyay, caqabadna ku ah shirkii loo ballansanaa ee dhuusamareeb 3, isla markaana dib u soo abuuray kalsooni darradii iyo walwalkii laga qabay mustaqbalka dalka. Arrimahaas waxaa ka mid ah: in meesha laga saaray xukuumaddii hogaamin lahayd arrimaha doorashada ayadoo aan mid kalana la magacaabin,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Jubbaland.

“Ku xad gudubka matalaadda Aqalka Sare”

Maalmihii la soo dhaafay waxaa soo ifbaxay warar sheegaya in guddoonka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu ka cadhooday hadal uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka horjeediyay golaha Shacabka, kaasoo uu ku sheegay “in iyagu ay dalka matalaan”.

War-saxaafadeedka maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale lagu xusay arrintaas, waxayna u muuqataa in qodobkaas uu qeyb ka yahay sababaha keenay in madaxda dowlad goboleedyada qaar ay tagi waayaan Shirka Dhuusamareeb 3.

“Arrimaha dib u abuuray kalsoonidarrada waxaa ka mid ah: Ku xadgudubka matalaadda aqalka sare ee baarlamaanka DFS sida ku xusan qodobka 61aad faqradiisa 3 iyo qodobka 71aad ee dastuurka KMG”, odhaahdaas ayaa ku jirtay bayaanka kasoo baxay hoggaanka Jubbaland.

COMMENTS