BALIGUBADLE MEDIA
Wasiiradda Beesha Bariga Burco oo Ku Fashilmay Taageero ay Xukuumadda Uga Raadiyeen Beeshooda
September 21, 2020 - Written by admin

Masuuliyiinta Beesha Habar Jeclo Ugu Jira Xukuumadda Madaxwayne Biixi ayaa todobaadadii ugu dambeeyay ku mashquulsanaa sidii ay Beeshooda uga heli lahaayeen taageero ay U muujiso Xukuumadda Madaxwayne Biixi Iyo Xisbiga Kulmiye iyagoo Isku qaybiyay goboladda Bariga gaar ahaan Gobolka togdheer hase ahaatee masuuliyiintan ayaa gabi ahaanba faro madhan kala kulmay beeshooda kadib markii qaybaha kala duwan ee haldoorka beeshaasi Ku wargaliyeen inaan la joogin wakhtigii Beeshu taageero u muujin lahayd xukuumadda Biixi iyo Xisbigeeda maadaama oo Madaxwayne biixi Ku Wacad Furay dhamaan balamihii uu la galay wakhtigii ololaha

Masuuliyiintan oo faro madhan kala Soo noqday magaaladda burco ayaa Diyaariyay inay maalinta bari ah hotel Green plaza Ku Qabtaan Xaflad Gacan Ku Rimisa oo Ay Isku Dhaafiyaan Cadaamadii Ay Kala Soo Kulmeen Gobolka Togdheer

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS