Shirwaynaha Kulmiye oo La Filayo In Dib Loo Dhigo
September 12, 2020 - Written by admin
Warar Kasoo Baxaya Shirwaynaha Xisbiga Kulmiye ayaa sheegaya in dib loo dhigayo Shirwaynaha Xisbiga kulmiye ilaa muddo dambe oo aan Cayinayn


Warkan oo aan u kuurgalay xalay ilaa maanta ayaa intaas ku daraya in Sababta ugu wayn ee la filayo inay Shirwaynaha dib u dhigtaa tahay cadaadisyo badan oo Madaxwayne Biixi kaga imanaya dhinacyo badan kadib markii la arkay in Xisbigu halis wayn ku gali karo shirwaynahaas
Dhinaca kale wararka ayaa intaas ku daraya in in sidiisii hore loo daynayo Xoghayaha guud ee Xisbiga oo wax ka bedel lagu samaynaayay nidaamka uu ku yimaado taasoo laga dhigayay magaacaabis balse hadda la filayo in loo daayo sidiisii hore
Dhinaca kale waxa la filayaa iyana in Madaxwayne ku xigeenka somaliland aan lagu tartamin booskiisa kaas oo markii hore qorshuhu ahaa in lagula tartamo
Dhamaan arrimaha aynu kor kusoo xusnay ayaa u muuqda inay hoos usoo celin karaan xaaladii xasaasiyadda ahayd uu galay xisbiga kulmiye
Isha Ku Hay Baligubadlemedia.com
Like this:
Like Loading...
COMMENTS