Khilaaf Culus oo Ka Dhex Qarxay Madaxwayne Biixi Iyo Cabdi Casiis Samaale
September 8, 2020 - Written by admin
Waxa Jira Khilaaf Huursan oo Ka dhex aloosan Madaxwayne biixi iyo wasiirkii hore ee Maaliyadda cabdicasiis maxamed samaale kaas oo ku aadan Shirwaynaha Xisbiga Kulmiye
Warar dheeraada oo ay helayso shabakadda Baligubadlemedia ayaa sheegaya in qodobka ugu wayn ee cabdicasiis samaale iyo Madaxwayne Biixi isku hayaan ay tahay sidii cabdicasiis samaale uga mid noqon lahaa gudidda fulinta ee Xisbiga taasoo Madaxwaynee Biixi ka biyo diidanyahay waxaana wararku intaas ku darayaan in Hadalo aflagaado u badani dhex mareen Madaxwayne biixi iyo samaale ilaa iyo haddana fiintu dhex miiranayso kuna kala maqanyihiin cadho iyo khilaaf
Wararka qaar ayaa sheegaya in cabdicasiis samaale isna maalmaha soo socda uu la hadli warbaahinta
Si kastaba ha ahaatee waxa maalmaha soo socda la filayaa Inay banaanka usoo baxaan Khilaafyo badan oo ka dhex aloosan Xisbiga kulmiye kuwaas oo hadda u muuqda qaar huursan
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS