BALIGUBADLE MEDIA
Ururka Dhalinyaradda Beelaha ARAB ee Haldoor oo U Sacabo Tumay Shir Madaxdhaqameedka Beeshu Shaaciyeen
August 22, 2020 - Written by admin

Ururka dhalinyarradda beelaha arab ee haldoor ayaa soo dhaweeyay kulan dhawaan ka dhacay magaaladda hargeysa isla markaana ay soo qabanqaabiyeen ururka beelaha arab ee afgarad kaasoo ay kasoo qayb galeen madaxdhaqameedka iyo dhalinyaradda beeshu iyadoo wada xaajood dheer kadib laga soo saaray go’aamo muhiim u ah beesha islamarkaana wakhtigoodii kusoo beegmay.

sida lagu sheegay warmurtiyeed uu soo saaray ururka dhalinyarrada beelaha arab ee haldoor ayaa lagu xusay in dhalinyaradu marwalba soo dhawaynayso una sacabo tumayso shirkasta oo beeshu yeelato islamarkaana kaga hadlayso danaheeda

waxa la gaadhay wakhtigii beeshu ka tashan lahayd arrimaheeda masiiriga ah ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka kasoo baxay xarunta ururka haldoor ee hargeysa

dhanka kale waxa durba bilaabmay qabanqaabadda shirwaynaha beelaha arab ee loo bixiyay DAN ARAB kaasoo qurbajoog iyo qolqol joogba lagva dareemayo u diyaargarawgooda

isku soo wada duuboo shirwaynihii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan beelaha arab ayaa lagu qabtay sanadkii 2014 magaaladda baligubadle kaasoo lagu soo doortay guddida beesha ee afgarad

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

 

COMMENTS