Turkiga oo loogu hanjabay arrin saameyn weyn ku yeelan karta
August 29, 2020 - Written by admin
Marka Turkiga ee sahminaya gaaska badda
Madaxa siyaasadda arimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa uga digay Turkiga in uu wajihi doono cunaqabateyn hadii uu sii wado “ficillada gardarada ah ee bariga badda Mediterranean-ka ay ka wadaan sida uu hadalka u dhigay.
Hadalada Borrell ayaa yimid kadib kulan ay yeesheen wasiirada arimaha dibada ee dalalka midowga Yurub.
Sargaalkaan reer Yurub ayaa ka hadlay dareen kacsanaan leh oo ka soo kordhay ficilada Turkiga.
Turkiga ayaa gaas ka baaraya biyo ay Gariiga iyo Jaziiradda Cyprus aaminsanyihiin in iyagu leeyihiin .
Tallaabooyinka soo socda ee Midowga Yurub ayay u badantahya in looga wada xaajoon shir ay yeelanayaan wadamadaan oo dhacay 24- bisha September ee soo aadan .
Waxaana looga golleeyahay tallaabooyinkan in lagu xakameeyo awoodda Turkiga uu ku baadi goobeyo gaaska dabiiciga ah ee biyaha la isku haysto.
Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa mowqifka Midawga Yurub u aragta mid aan sax aheyn, waxayna diidday sheegashada Giriiga ee xuquuqda badda Mediterranean-ka.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga oo lagu magacaabo Hami Aksoy, oo ka hadlay arrintaan ayaa yiri, “Midowga Yurub awood uma lahan inay dhalleeceeyaan howlaha batroolka ee ka socda gudaha dalkeenna waxaana ka dalbaneynaa in ay joojiyaan arrintaan”.
Mr Borrell iyo wasiirka Arimaha dibadda ee Jarmalka Heiko Maas ayaa carabka ku adkeeyay in Midowga Yurub uu doonayo in uu siiyo fursad wada hadal si loo xakameeyo xiisada u dhaxeysa Giriiga iyo Turkiga oo labaduba xubno ka ah gaashaan-buurta NATO.
XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS
Qoraalka sawirka,Markabka Shidaalka qoda ee Turkiga
Siduu u xumaaday xiriirka?
Turkiga iyo Giriiga ayaa ku loolamaya keydka Gaas islamarkana waxay isku khilaafsan yihiin cidda xaqqa u leh goobo muhiim ah oo ku yaalla bariga badda Mediterranean-ka .
Waxay ku muransan yihiin goobo cayiman oo dal walba uu sheeganayo inay dhulkiisa ka tirsan yihiin.
Bishii July, Turkiga ayaa waxay bixiyeen digniin dhanka badda ah taasi oo loo yaqaano Navtex waxayna sheegeen in markabka Oruc Reis oo ah mid sahmiya shidaalka ay u dirayso meel u dhaw jasiiradda Kastellorizo, oo masaafo yar u jirta xeebta koonnfur galbeed ee dalka Turkiga.
Markii ay Turkiga digniinta bixiyeen kama uusan soo shiraacan dekadda Turkiga ee Antalya.
Balse digniintaasi ayaa markiiba sababtay in milatariga Giriigga heegan sare la galiyo, waxaana bilaabatay cabsida laga qabo in uu isku dhac ka dhaca meel u dhaw jasiiradda Kastellorizo.