BALIGUBADLE MEDIA
Som Power oo Dhagaha Ka Furaysatay Baaqa Shacabka iyo Talaabooyinka La Gudboon Dadwaynaha
August 14, 2020 - Written by admin

Shirkadda Som power oo Ku Guuldaraysatay Inay Wax Qiime Dhimisa U Samayso Shacabka Cabanaya
shirkadda korontadda sompower ayaa ku adkaysanaysa inaanay wax qiime dhimisa u samayn bulshadda macaamiisha ah u ah ee ka cabanaysa adeegeeda koronto ee qaaliga ah
waxa maalmihii u dambeeyay saxaafadda haystay dhawaaqyo ka soo yeedhaya bulshadda rayidka ah oo ay kaga cabanayaan adeega qaaliga ah ee ay bixiso shirkadda som power
dhawaan mar ay warbaahinta la hadleen maamuladda shirkadaasi ayay aflagaado cad kula kaceen shacabka iyagoo u isticmaalay ereyo muujinaya sida ay ugu qooqeen dhaqaalaha ay ka helaan shacabka
si kastaba ha ahaatee shacabka hargeysa ayaa ka midaysan inay dhawaaqooda gaadhsiiyaan shirkadda sompower hadii ay dhagaysan waydana ay gabi ahaanba iska bedelaan adeegyadda koronto ee ay ka qaataan shirkadaas

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS