Laacibka khadka dhexe uga dheela kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa laga helay fayraska corona, sida uu sheegay tabaraha kooxda qaranka Faransiiska Didier Deschamps.
Kama qeyb gali doono kulanka Nations League ee faransiiska iyo Sweden ee Sabtida dhici doona, sidoo kale waxaa dhaafi doonta cayaarta Croatia ay la cayaari doonaan 3 maalmood kaddib kulanka Sweden.
Hase yeeshee waxaa suurogal ah in Pogba uu ka mid noqdo ciyaartooyda loo xulanayo kulanka kooxdiisa Man u ay la yeelan doonto Crystal Palace 19-ka September, waa kulanka ugu horreeya ee Premier League ee ay dheleyso Manchester United
Naadigiisa ayaa sheegay: “In qofkasta oo ka tirsan United uu Pogba u rajeeynayo caafimaad deg-deg ah.”
Kulamada Faransiiska Pogba waxaa lagu baddali doonaa 17-ka khadka dhexe uga dheela kooxda Rennes ee Eduardo Camavinga.