Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Maanta gaaray Samareeb-Galmudug +Sawirro
August 28, 2020 - Written by admin
Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta gaaray magaalada Samareeb ee xarunta Galmudug, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaaladaas.
U jeedada socdaalka guddoomiyaha ee Galmudug ayaa ah ka qeybgalka furitaanka Kalfadhiga labaad ee golaha wakiilada Galmudug.